Wasiiro shirka yeeshay Xidhiidhiyaha Mashruuca SL-FSRP Oo Baanka Adduunku Ka Taageero Somaliland.
Wasìirka Beeraha, Wasiirka Xanaanada Xoolaha & Wasiirka Deegaanka Oo shir la yeeshay Xidhiidhiyaha Mashruuca SL-FSRP Oo Baanka Adduunku Ka Taageero Somaliland.
Wasiirka Beeraha Maxamuud Cige Yuusuf, Wasiirka Xanaanada Xoolaha Cumar Shucayb Maxamed & Wasiika deegaanka Cabdilaahi Jaamac Cismaan, ayaa xog-warran ka dhegaystay xidhiidhiyaha mashruuca Kayse Axmed Maxamed (Jeelle).
Mashruucan oo Wasaaraddda Beeruhu madax ka tahay, ayaa waxay wada-jir u wada fuliya saddexda Wasaaradood ee Beeraha, Xoolaha iyo deegaanka.