Taliyaha Ciidanka Dab-demiska Somaliland oo Madaxwaynaha uga mahadceliyay kordhinta Mushaharka ee Ciidamada
Taliyaha Ciidanka Dabdemiska iyo Samatabixinta JSL Sareeye Guuto Axmed Maxamed Xasan Sawaaxili oo u bushaareeyay xubnaha Ciidanka Dabdemiska oo loo kordhiyay Mushaharka Ciidanimo.
Taliyaha ayaa Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro ku bogaadiyay go’aanka uu qaatey ee loogu kordhiyay Mushaharka guud ahaan Ciidamada kala duwan ee Qaranka Somaliland.
Waxaanu yidhi“ waxa aynu u mahadcelinaynaa madaxwaynaha Jamhuuriyadda Somlailand iyo dawladda oo ballantii ciidamada kaga dhabeeyay”.