Ku dhowaad 100 Falastiiniyiin ah oo lagu dilay duqeymaha Israa’iil ee Qasa
Ugu yaraan 81 Falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay in ka badan 400 oo qofna waa ay ku dhaawacmeen duqeymo ay Israa’iil ka fulisay Gaza 24-kii saac ee lasoo dhaafay ilaa duhurnimadii Sabtida, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee Xamaas ay maamusho.
Hal dhacdo, ugu yaraan 11 qof, oo ay ku jiraan carruur, ayaa lagu dilay weerar ka dhacay meel u dhow garoon ku yaalla magaalada Gaza, sida ay shaqaalaha isbitaalka Al-Shifa iyo goob-joogayaal u sheegeen wakaaladaha wararka.
Garoonka ayaa waxaa lagu dajinayey dad barakacayaal ah, oo ku noolaa teendho.
Muuqaal ayaa muujinaya dad iyaga oo gacmahooda qaawan ama gacma-gashi xiran qodaya ciidda si ay uga soo saaraan meydad.
Milateriga Israa’iil ayaa sheegay “in aysan ka warqabin dhaawacyo ka dhashay weerarka” marka laga reebo “qof laga shakisan yahay oo khatar ku ahaa” ciidamadooda.