BBC oo lagu heysto inay toos u tebisay fannaan caan ah oo ku heesay “Israa’iil ha dhimato”
Bilayska magaalada Somerset ee UK ayaa sheegay inay qiimaynayaan hadallada ay masraxa ka yiraahdeen labada fannaan ee dhanka raabka Bob Vylan iyo kooxda rap-ka ee dalka Ireland ee Kneecap kuna sugnaa xafladda Glastonbury ka dhacday Sabtidii.
Dawladdu waxay “si adag u cambaaraysay” heeso ka soo yeeray Bob Vylan oo u rajeeyay “dhimasho” millatariga Israa’iil intii ay ku guda jireen bandhiggooda oo si toos ah looga sii daayay BBC-da.
Rapper Bobby Vylan wuxuu hormuud u ahaa oo uu qaadayay heeso erayadoodu ka mid ahaayeen “Falastiin xor ah, xor ah” iyo “dhimasho, dhimasho ha u sugnaato IDF [Ciidanka Difaaca Israa’iil]”.
Afhayeen u hadlay BBC ayaa sheegay in erayada qaarkood ay ahaayeen “kuwo aad u fool xun”, isaga oo intaa ku daray in ay shaashadda ka soo saartay digniin ku saabsan “luuqad aad u xooggan oo takoor ah”. Dib loogama daawan doono BBC iPlayer.
Safaaradda Israa’iil ayaa baraha bulshada ee X ku daabacday “in ay aad uga xumaatay hadallada xanafta iyo nacaybka xambaarsan”.
Bandhigga ayaa bayaan uu soo saaray ku yiri: “Festival Glastonbury ma oggola hadallada naceybka ah ama kicinta rabshadaha nooc kasta oo ay tahay ee fannaaniinta.”
Ka dib bandhiggii Bob Vylan, afhayeen u hadlay dowladda ayaa sheegay in xoghayaha dhaqanka Lisa Nandy ay la hadashay agaasimaha guud ee BBC Tim Davie si ay uga hesho “sharaxaad degdeg ah oo ku saabsan qorshooyinka taxadar ee ay BBC sameysay ka hor inta aan la baahin bandhigga.
Dawladdu waxay intaa ku dartay inay soo dhawaynayso go’aanka ah inaan dib looga baahin barnaamijka BBC iPlayer.