Wasiirka Beeraha JSL Oo Furay Aqoon-is-weydaarsi Ku Saabsan Qorshaha Istaraatiijiyadda Horumarinta Beeraha Somaliland Ee (2025–2030).

Wasaaradda Horumarinta Beeraha JSL, ayaa Maanta oo ku beegan (29-ka bisha lixaad, 2025) Magaalada Hargeysa ku qabatay Aqoon-is-weydaarsi lagu lafo-gurayo Qorshaha Istaraatiijiyadda Horumarinta Beeraha ee (2025–2030).

Aqoon-is-waydaarsigan oo muhiim ah, ayaa waxa furay Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Beeraha Somaliland Mudane Maxamuud Cige Yuusuf.

Wasiirka oo hadal ka jeediyey furitaanka Aqoon-is-weydaarsiga, ayaa sheegay inay soo dhawaynayaan hay’adaha iyo daneeyayaasha dhanka beeraha ee shirka ka soo qayb-galay.

Waxa kale oo madasha ka hadlay Agaasimaha Waaxda Qorshayenta ee Wasaaradda Beeraha Ibraahim Cumar, waxaanu faahfaahin dheeraad ah ka bixiyey muhiimadda uu leedahay aqoon iswaydaarsigan ku saabsan istaraatiijiyadda, waxaanu xusay in dhamaan hay’adaha ay wasaaradda wada-shaqaynta leeyihiin ay istaraatiijiyaddan ku shaqeeyaan, tixgelina siiyaan marka ay mashaariicda fulinayaan.

Waxa kale oo madasha ka hadlay Cabdirisaaq Shaafi oo ah xidhiidhiyaha Mashruuca Barwaaqo ee Baanka Adduunka, kaasi oo Wasaaradda Beeraha ka taageeray soo saarista istaraatiyaddan

Waxyaabaha lagu soo bandhgay Aqoon-is-weydaarsigan, ayaa waxa ka mid ah:-

1. Qabyo-qoraalka Istaariijiyadda oo faahfaahsan, si wixii ka dhiman loogu kabo.

2. Tiirarka istaraatiijiga ah & mudnaanta siyaasadeed ee 5 sano ee soo socda.

3. Qorshaha fulinta, halista suurtagalka ah, iyo hab-raaca kormeerka & qiimeynta

Ka qayb-galayaashii ayaa si firfircoon uga qayb-qaatay dood furan, halkaas oo laga soo ururiyey talooyin wax ku ool ah, si dib-u-eegis iyo ansixin dheeri ah loogu sameeyo.

Aqoon-is-weydaarsiga, ayaa waxa lagu qabtay xarunta dhexe ee Wasaaradda horumarinta beeraha JSL ee Hargeysa.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker