Siyaasi Anwar Cabdiraxmaan Warsame oo ka mid ah siyaasiyiinta aqoonyahanka ee Somaliland, ayaa fariin baaq ah hawada mariyey xisbiga mucaaridka ah ee KULMIYE
Siyaasi Anwar Cabdiraxmaan Warsame oo ka mid ah siyaasiyiinta aqoonyahanka ee Somaliland, ayaa fariin baaq ah hawada mariyey xisbiga mucaaridka ah ee KULMIYE, waxaanu yidhi;
“Maalmihii u dambeeyay waxa muuqday khilaaf ka dhex-aloosan Xisbiga Kulmiye. Ugu horayn, waxa aan ugu baaqayaa hogaanka iyo Guddida fulinta Xisbiga in ay isku ururiyaan kaadirka Xisbiga, islamarkaana wixii ismari-waa ah lagu dhammeeyo wada-tashi iyo isu-tanaasul iyada oo la raacayo shuruucda dalka iyo xeer-hoosaadka Xisbiga.
Madaxda iyo hogaanka Xisbigu waa in ay ku baraarugsanaadaan maxsuulka laga dhaxlo khilaaf jiitama oo halka uu ku dambeeyo uu tusaale fiican inoogu yahay Xisbigii UDUB, ee Markii uu talada ka dagay ka baxay saaxadda Siyaasadda.
Waxa aan markale ku adkaynayaa hogaanka iyo Guddida fulinta Xisbiga Kulmiye in ay u fikiraan mustaqbalka Xisbiga oo ay meel iska dhigaan kala riixashada danaha iska hor-imanaya.
Xisbiyada siyaasaddu waa tiir muhiim u ah Dawladnimada dimuqraadiga ah ee ku salaysan hannaanka Xisbiyada badan.
Xisbiyadu waa halka lagu qaabeeyo afkaarta Siyaasadda iyo aragtida dadweynaha. Waa madal lagu falkiyo siyaasado qaran. Waa dugsi lagu soo carbiyo siyaasiyiinta iyo sallaanka laga soo fuulo hogaanka dalka.
Haddii aan la tayayn oo aan la adkayn isku-xukunka sharciga ee Xisbiyada dhexdooda suurtagal noqon mayso in aynu helno dawladnimo tisqaada.