“Hadduu Trump heshiis rabo waa inuu joojiyaa aflgaaddada Khamenei”
Wasiirka arrimaha dibadda ee Iiraan Cabaas Araghchi ayaa dhalleeceeyay hadalka maanta ee “aan la aqbali karin” ee Trump uu ka sheegay Khamenei. “Hadii uu Madaxweyne Trump si dhab ah u rabo in uu heshiis nala gaaro, waa in uu dhinac iska dhigaa aflagaaddada aan la aqbali karin ee ku wajahan hoggaamiyaha ugu sarreeya, uuna joojiyaa waxyeellada malaayiinta taageerayaashiisa ah ee daacadda ah” ayuu Araghchi ku soo qoray barta X.
“Shacabka weyn ee Iiraan, oo caalamka tusay in maamulka Israa’iil aanu haysan wax kale oo aan ahayn inay u soo jeestaan ‘Baadariga’ si ay uga fogaadaan in ay dhulka ku soo dhacaan gantaalladayada, ma aqbalayaan hanjabaad iyo aflagaaddo,” ayuu yiri.
Intii lagu guda jiray doorashadiisii ugu horeysay ee madaxtinimo, Trump wuxuu ka baxay 2018 heshiiskii taariikhiga ahaa ee nukliyeerka ee uu madaxweynihii hore ee Mareykanka Barack Obama la soo saxiixday Iiraan. Heshiisku waxa uu ujeeddadiisu ahaa in ay Iiraan ka dhigto mid aan suurtogal ahayn in ay samaysato bam nukliyeer ah, laakiin isla markaa waxaa loo oggolaaday in ay sii waddo barnaamijka nukliyeerka rayidka ah.
Balse Iiraan oo ku adkeysaneysa in barnaamijkeeda nukliyeerka uu yahay mid shacab oo kaliya ayaa xoojisay howlaheeda tayeynta kadib markii Trump uu ka baxay heshiiska. Ka dib weerarkii Mareykanka uu ku qaaday xarumaha nukliyeerka ee Iiraan, Trump waxa uu sheegay in wada xaajoodka heshiis cusub uu bilaabanayo toddobaadka soo socda.
Laakiin Tehran ayaa diidday in ay dib u bilaabmaan wadahadalada, Khamenei, oo soo muuqday muuqaalkiisii ugu horreeyay tan iyo xabbad joojintii, wuxuu ballan qaaday inuusan u hoggaansami doonin cadaadiska Washington, oo ay la kulantay “Dharbaaxo daran oo looga dhuftay wejiga.