Maxay sameeyeen basaasiinta Mossad ee ku dhex dhuuntay Iiraan ka hor weerarkii ay Israa’iil qaadday

Inkastoo labada dal ay iminka ilaalinayaan xabbad joojin uu ka shaqeeyey madaxweynaha Maraykanka, haddana qiyaastii bartamihii bishii Oktoobar, weerarka Israa’iil ee Iran ayaa u muuqanayey mid dhalinaya iskahorimaad aan si fudud loo joojin karin.

Waddamadani waxay ka gudbeen weerarkii ay isku hayeen dhexdooda, waxayna u gudbeen inay soo jiidaan waddan kale sida Maraykanka. Ma aysan badbaadin dalalka Bariga Dhexe oo uu Mareykanku saldhigyo ciidan ku leeyahay, sida Qatar iyo Ciraaq.

Halka Israa’iil ay sheegtay in ay bartilmaansan doonto xarumaha Nukliyeerka iyo xarumaha millatariga, haddana Iiraan waxa ay weerarro aargoosi ah ku qaadday Israa’iil iyada oo adeegsanaysa gantaallada riddada dheer iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn.

Israa’iil ayaa waydiisatay taageerada Maraykanka si ay u burburiso xarun Nukliyeer ah oo dhulka hoostiisa ee Iran ku taalla, subaxnimadii Sabtida Maraykanku wuxuu si cad u sheegay in uu garab taagan yahay Israa’iil oo uu ku weeraray Iran.

Muxuu ahaa doorka hay’adda sirdoonka Israa’iil, Mossad, markii weerarka Israa’iil uu billowday?

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker