Iran: Warbaahinta Israa’iil oo is-waydiinaysa halka uu ku dhuumanayo Khamenei

Warbaahinta Israel ayaa Khamiistii shalay ahayd, July 25, si weyn uga hadashay arrinta ku saabsan “muuqaalka” Cali Khamenei, hoggaamiyaha Jamhuuriyadda Islaamiga ah, ka hor inta uusan baahin fariintiisii ​​saddexaad ee muuqaal ah tan iyo markii uu dagaalka billowday.

Shabakadda wararka ee Vala ayaa qortay in saraakiisha Iran ay sheegeen in Khamenei uu ku dhuumanayo meel god ah isla markaana uu ka fogaanayo inuu la xiriiro dadka kale si uu “ka hortago isku day dil.”

Wakaaladda wararka Israa’iil ee YNet iyo Channel 12 ee Israa’iil ayaa labaduba iftiimiyay maqaal ka soo baxay New York Times oo soo xigtay Hamza Safavi, oo ah wiil uu dhalay taliyaha IRGC, isla markaana ah la taliye sare oo dhinaca milatariga ah Mr Khamenei, isagoo sheegay in saraakiisha ammaanka Iran ay rumeysan yihiin in Israel ay weli qorsheyneyso inay disho hogaamiyahooda.

Telefishinka Channel 12 ayaa sidoo kale sheegay in hogaamiyayaasha mucaaradka Iran ee dibad joogga ah ay kulmeen oo ay ka wadahadleen “Iiraan wixii ka dambeeyay waayaha Ayatullaah” intii lagu jiray dagaalkii 12-ka maalmood socday.

Warbaahinta Israa’iil ayaa aad u danaynaysa in ay muujiso rajada “isbeddelka nidaamka” ee gudaha Iran, iyada oo rajaynaysa in weerarrada Israa’iil ay horseedi doonaan mudaaharaadyo gudaha ah.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker