Wefti ka socda JSL oo maanta u ambabaxay dalka Jabuuti.

Gudoomiye ku xigeenka labaad ee golaha wakiilada Somaliland Cali Xaamud Jbriil iyo Wefti uu hogaaminayo oo ka socda xukuumada Somaliland ayaa maanta safar ugu ambabaxay dalka Jabuuti kuwaasi oo ka qaybgali doona munaasibada dalka jabuuti ay ugu dabaal dagayaan maalinta xoryada ay ka qaateen gumaastihii faransiiska 1975 kii.

Weftigan saaka ka ambabaxay goaroonka diyaaradaha ee magaalada hargaysa ayaa isugu jjray wasiiro, xildhibaano, ganacsato, safiiro iyo masuuliyiin kale oo reer Somaliland ah.

Safarka weftiga ayaa sida la sheegay waxa kulamaan xilwareejinta safiirka cusub ee dhawaan madaxwaynaha Somaliland u magacaabay safaarada ay Somaliland ku leedahay dalka jabuuti oo maalmaha soo socda xilka kala wareegi doona safiirkii hore ee Somaliland u fadhiyey dalka Jabuuti.

Gudoomiye Cali xaamud oo jeedka safarka ka warbixyey ayaa intii ay madaarka ku sugnaayeen guud ahaan shacabka Somaliland ugu hambalyeeyey 65 guurada ka soo wareegtay malintii xaoriyada ay Somaliland ka qaadatay mustacmarkii ingiriiska ee 1960kii.

“Waxan guud ahaan shacabka Somaliland u dirayaa hambalyo maalinta 26 ka juun oo caawa ah”ayuu yidhi Calil Xaamud Jibriil.
Waxa kale oo uu sheegay in safarka wefiga uu horkacayo eeku aadan dalka jabuuti u jeedadiisu tahay sidii ay dalka jabuuti uga qaybgali lahaayeen munaasibada maalinta xoriyadooda oo ay dalka faransiiska xariyada ka qaadatay kuna beegan 27 june.

Geesta kale wasiirka wasaaradda duulista hawada iyo horumarinta madaarada Somaliland Fu,aad Axmed Nuux ayaa sheegay marka laga yimaad munaasibada xuska qaranimada jabuuti ay safar kooda dalka jabuuti ay ka qayb gali doonaan xilwareejinta safiirka cusub ee madaxwaynaha Somaliland dhawaan u magacaabay dalka jabuuti.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker