Safiirka Somaliland ee Dalka Jabuuti oo xilkii wareejiyay

Safiirkii hore safaarada Somaliland ee dalka Djibouti, Cabdifatax Siciid Axmed ayaa xilkii ku wareejiyey safiir ku xigeenka safaarada Somaliland ee Djibouti Cabdilahi Maxamd.

Safiirkii hore ayaa u mahad celiyey madaxweynaha Jamhuuriyada Djibouti, mudane Ismaaciil Cumar Geelle, xukumadiisa iyo dhamaan shacbi waynaha jamhuuriyada, sidii wanagsanayd ee ay ula shaqeeyeen muddada u safiirka ka ahaa dalka Djibouti.

dhinaca kale waxa uu u mahadceliyey safaaradaha ku sugan Djibouti, ee ay xidhiidhka wada-shaqaynayd ka dhaxeeyey muddada u Djibouti ku sugnaa.

Waxa kale oo uu mahad celin balaadhan u jeediyay Saraakiisha iyo masuuliyiinta safaarada Somaliland ee Djibouti, oo uu ugu horeeyo safiir ku xigeenka safaarada Somaliland Djibouti Cabdilahi Maxamed suldaan .

Gebo’gabadii safiirkii hore ee Somaliland ee dalka Jabuutii ayaa kula dardaarmay shaqaalaha safaaradda inay sii Laban laabaan, si wanagsana ula shaqeeyaan safiirka cusub ee safarada Somaliland ee Djibouti, Amb Maxamed Dahir (Cukuse).

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker