Kormeerka Wasiirka Waxbarashada iyo Gudoomiyaha Xafiiska imtixaanaadka Qaranka ee Gobolka M/Jeex

Wasiirka wasaaradda waxbarashada iyo Sayniska ee Jamhuuriyadda Somaliland, Prof. Ismaaciil Ducaale Yusuf, ayaa maanta kormeer ku tagey qaar ka mid ah goobaha uu ka socdo imtixaanka shahaadiga ah ee fasalka 4-aad ee dugsiyada Sare ee gobolka Maroodijeex.

Kormeerkan oo qayb ka ah dedaallada wasaaradda ee lagu xaqiijinayo daah-furnaanta iyo habsami-u-socodka imtixaanaadka, waxaana wasiirka ku wehelinayay guddoomiyaha xafiiska Imtixaanaadka Qaranka, Mudane Daa’uud Axmed Faarax, iyo guddoomiyaha waxbarashada ee gobolka Maroodijeex, Mudane Maxamed Xuseen Muuse, gudoomiyaha degmada Hargaysa Aamina Casary Magan.

Masuuliyiinta ayaa si toos ah u booqday goobo dhowr ah oo lagu qaadayay imtixaanka, iyaga oo si qoto dheer u eegay xaaladda goobahaasi.

Kormeerkaasi wuxuu diiradda saarayay ilaalinta habraacyada imtixaanka, shaqada ay wadaan kormeerayaasha, iyo guud ahaan sidii ay u socoto hab-maamulkii loo dajiyay.

Intii uu kormeerku socday, masuuliyiinta loo xil-saaray kormeerka goobahaasi ayaa si faahfaahsan u sharaxay habka ay u maamulayaan imtixaanka iyo sidii ay u xaqiijinayaan in uu si nabad ah oo cadaalad leh ku socdo.

Waxay xuseen in guud ahaan imtixaanku uu ku socdo si habsami leh, iyadoo aanay jirin wax dhibaatooyin ah oo muuqda.

Wasiirka ayaa ugu dambayn uga mahadceliyay dhammaan masuuliyiinta waxbarashada iyo shaqaalaha kormeerka sida ay uga go’an tahay ilaalinta tayada iyo daahfurnaanta imtixaanka, isaga oo ku dhiirrigeliyay in ay si buuxda u gutaan waajibaadkooda ilaa inta imtixaanku ka dhamaanayo.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker