Soomaaliya oo cambaareysay weerarka ay Iiraan ku qaadday Qatar

Dowladda Soomaaliya ayaa si adag u dhaleecaysay weerarkii xalay ay Iran ku qaadday Saldhig ciidamada Mareykanku ku leeyihiin dalka Qatar.

War saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibedda Soomaaliya oo la soo saaray wax yar ka dib markii Iiraan ay gantaallo ku garaacday saldhigga Al Udeid, ayadoo dhanka kale taageero loogu muujiyey Qatar.

“Dowladda Soomaaliya waxay si adag u dhaleeceynaysaa falka gardarrada ah ee Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan kula kacday Dowladda aan walalaalaha nahay ee Qadar,” ayaa lagu ylri warsaxaafadeedka oo intaas ku daray “baahida loo qabo in loo hoggaansamo mabaa’diida xeerarka caalamiga ah ee la xiriira ilaalinta amniga iyo bedqabka dadka rayidka ah.

“Soomaaliya waxay dib-u-xoojineysaa mowqifkeeda togan ee ku aaddan taageridda gobanimada Dowladda Qatar, waxayna xaqiijinaysaa garab-istaagga tillaabo kasta oo ay u qaadeyso dhowrista amniga iyo xasilloonida dalkeeda, iyo ilaalinta khayraadka dadkeeda sharafta leh,” ayaa lagu soo koobay War-saxaafadeedka Wasaaradda Arrimaha Dibedda Soomaaliya ka soo saartay weerarkii xalay ay Iiraan ku qaadday saldhigga militariga Mareykanku ku leeyahay dalka Qatar.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker