Israa’iil oo ogolaatay xabad joojinta uu soo jeediyay Mareykanka

Dowlada Israel ayaa sheegtay inay ogolaatay soo jeedinta Donald Trump ee xabad joojinta dagaalka u dhaxeeya iyaga iyo Iiraan.

Bayaan ay soo saartay ayaa lagu yiri: “Israa’iil waxay si adag uga jawaabi doontaa xadgudub kasta oo lagu sameeyo xabbad joojinta.”

Waxay sheegtay inay ogolaatay soo jeedinta xabad joojinta kadib markii ay “gaartay ujeedooyinkii” weerarada ay ku qaaday Iran.

“Israa’iil waxa ay uga mahadcelineysaa Madaxweyne Trump iyo Mareykanka taageerada ay ka geysteen dhanka difaaca iyo ka qeyb qaadashada ciribtirka halista Nukliyeerka ee Iran,” ayaa lagu yiri bayaanka.

In yar ka hor, Iiraan waxay sheegtay in ay weerarrada joojinayso haddii ay Israaiil joojiso.

In yar ka hor, Iiraan waxay sheegtay in ay weerarrada joojinayso haddii ay Israa’iil joojiso.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker