Shacabka Telaviv; “Waxaan u malaynayay in duqaymaha Maraykanku ay soo gaabin doonaan dagaalka, balse hadda waxaan ka baqayaa waxa soo socda”.
Waxaan la hadlayay dad ku sugnaa qayb ka mid ah magaalada Tel Aviv ee Israa’iil, taas oo uu dhow goob uu ku dhacay gantaalka Iran, anagoo weydiinnay sida ay u saameeyeen iyo waxa ay doonayaan inay dhacaan.
“Dhammaan daaqadahaygii way burbureen, ma aan joogin guriga, laakiin markii aan guriga imid ayaan arkay waxa dhacay. Aad ayay looga naxyay.” Ayay tiri Ayelet oo 32 sano jir ah.
Ran Lotan, oo 27 jir ah, ayaa u yimid inuu soo booqdo waalidkii ka dib markii gurigoodii la waxyeeleeyay.
“Daaqadaha dhamaantood waa la burburiyay, sidaas darteed waxaan u imid inaan arko,” ayuu yiri. “Aniga waan bad qabaa… laakiin waxaad arkaysaa dad argagaxsan – dhallaan qaylinaya iyo carruur aan garanayn waxa socda.” Ayuu raaciyay.
Qaar ayaa taageersan tallaabada Mareykanka waxayna doonayaan in Israa’iil ay sii wado weerarkeeda.
“Maamulka Iran waxa uu u baahan yahay in gebi ahaanba la tirtiro,” ayuu nin kale ku qaylinayay.