Dhacdo ku cusub Imtixaanka Shahaadiga ah sannadkan

waxa ay u sabirtay waxbarashadeeda sagaal bilood oo ay xaamilo ahayd, balse wanaag waxa ay wakhtigii umusha ku soo begantay maalintii koowaad ee ay Imtixaanka shahaadiga ah u fadhiisan lahayd sannadkan 2025-ka.

Mumtaas Cumar Fadxi waa ardayad ka mid ah ardayda dugsiga hoose dhexe ee Maxamed Mooge, kuwooda ugu sabirka badan, maadaama ay sagaalkii bilood ee u danbeeyay ay wax baranaysay iyada oo xaamilo ah, isla markaana ay maamulka dugsigu sheegeen in aanay maalin ka baaqan waxbarashada oo ay ahayd qof ku dedaala waxbarashadeeda.

Qisada cajiibka ah ayaa ah in wakhtigii fooshu uu ku soo hagaagay maalintii ay guran lahayd midhihii ay u soo sabraysay wakhtiga badan, una xamilaysay culayska haysta, taasi oo ah maalinkii ay imtixaanka u fadhiisan lahayd oo ku begantay maalintii umusha.
Waxa ka sii yaab badan in maalintii labaad ay ku dhiiratey in aanay ka hadhin imtixaanka shahaadiga ah oo ay qayrkeed wax la qaybsato, waliba ay diiday in hoygeeda lagaga qaado imtixaanka, waxaanay doorbiday inay ardaydeedii la gasho imtixaanka.

Arrintan ayaa noqotay mid soo jiidatey dhammaan bulshada, maamulka iskuulka, wasaaradda waxbarashad Somaliland iyo cid kasta oo si uun u maqashay arrinkaasi, masuuliyiinta wasaaradda waxbarashada Somaliland ayaa ayaa kalaafa qaaday waxbarashada gabadhan ilaa ay ka dhamaysanayso dugsiga sare.

Wasiir dawlaha wasaaradda waxbarashada, Barbaarinta iyo Sayniska Somalililand ayaa ku booqdey goobtii ay imtixaanka ku galaysa Mumtaas Cumar Fadxi, waxaanu ka marag kacay go,aanka wanaagsan ee ay qaadatey, waxaanu xusay inay ay tahay ardayday karti badan.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker