Warbixin hore: Howlgalka Sirdoonka: Xog ku saabsan sida ay Israa’iil ku xadday ‘nuclear-ka ay Iiraan qarsaneysay’
Bishii November ee sanadkii 2020-kii, kolonyo gawaari ah oo uu la socday seynisyahankii ugu sarreeyay dhinaca nuclear-ka Iiraan, Mohsen Fakhrizadeh, ayaa la weeraray. Waxaa lagu dilay qori lagu hagayay qalabka meelaha fog laga isticmaalo.
Weerar sidaasoo kale loo diyaariyay oo lala beegsaday gawaari socda, iyadoo aan waxba la yeelin cid kale oo rayid ah, waa mid u baahan wadashaqeyn sirdoon oo tallaabo tallaabo isugu xidhan, goobtana ku sugan.
Dilkaas kaddib, Wasiirka Arrimaha Sirdoonka ee Iiraan, Mahmoud Alavi, ayaa sheegay in labo bilood ka hor waqtigaas, uu isagu digniin u gudbiyay ciidanka amniga, una sheegay inuu jiro fal dil ah oo loo qorsheynayo Mr Fakhrizadeh oo ka dhici doona isla goobtii lagu toogtay markaas.
Mr Alavi ayaa sheegay in qofka qorsheeyay dilka uu ahaa “xubin ka tirsan ciidanka militeriga”. “Nooma suurtagelin inaan sameyno howlgallo sirdoon ah oo laga fuliyo militeriga dhexdooda”. Ayuu yidhi.
Hase yeeshee waxa uu si dadban u caddeeyay in in qofka mas’uulka ka ahaa falkaas uu xubin ka yahay Ciidamada Kacaanka Iiraan, oo ah militeriga ugu awoodda badan dalkaas.
Haddii ay taasi run tahay, qofkaas waxaa khasab ah inuu ahaa ruux darajo sare leh oo awood u yeeshay inuu tirtiro digniinta islamarkaana uu weerarka suurtagaliyo isla taariikhdii la qorsheeyay iyo inuu ka dhaco goobtii loogu talogalay.
Mohsen Fakhrizadeh qudhiisa ayaa la og yahay inuu ka tirsanaa militeriga Kacaanka Iiraan.
Shakhsiyaad ku sugan gudaha xabsiga Evin ee magaalada Tehran, oo ah goobta ay ku xiran yihiin dadka lagu eedeeyay inay u basaaseen dalalka ajaanibta ah, ayaa BBC-da u sheegay in halkaas ay ku xiran yihiin saraakiil sar sare oo ka tirsanaa taliyeyaashii Ciidanka Kacaanka Iiraan.
Dowladda Iiraan ma aysan shaacinin magacyadooda iyo darajooyinkooda, si ay u ilaaliso sumcadda Ciidamada Kacaanka.
BBC