Dhaqtar Soomaali ah oo ku dhaawacmay dagaalka u dhaxeeya Israa’iil iyo Iran

Safaaradda dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ku leedahay dalka Turkiga ayaa qoraal ay barteeda Facebook ku baahisay ku sheegtay, in ay u suurta gashay in xuduudda ay wadaagaan Iran iyo Turkiga laga soo samatabixiyay dhaqatar Soomaali ah oo ku soo dhaawacmay duqeymihii Israa’iil ka gaysatay magaalda Tehran.

Dhaqatar Mustafa Cali Macalin oo dalka Iran ka baranayay caafimaad ayaa ka mid ahaa tiro dhalinyaro Soomaali ah oo Iran qaarkood u joogay waxbarasha iyo ganacsi.

Safaaradda Soomaaliya ee magaalada Ankara ayaa horey u baahisay in ay ku howlantahay arrinta ku saabsan soo samata-bixinta dadka Soomaalida ah ee dalkaasi duqeymuhu ku qabsadeen.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker