Tababar loo Qabtay Kormeerayaasha (Supervisors) Goobaha Imtixaanaadka Qaranka JSL.

Wasaaradda Waxbarashada, Barbaarinta iyo Sayniska ayaa maanta tababar muhiim ah u qabatay kormeerayaasha (supervisors) xarumaha lagu qabanayo Imtixaanaadka Shahaadiga ah ee heer Qaran ee Fasalada 8-aad iyo 4-aad ee sare.

Tababarkan oo ka dhacay xarunta wasaaradda ayaa lagu lafaguray dhammaan xeerarka iyo shuruucda lagu hago maamulka iyo hawlgalka goobaha imtixaanaadka. Waxaana looga gol lahaa in kormeerayaashu si buuxda u fahmaan masuuliyaddooda, uguna diyaar garoobaan hirgelinta habsami u socodka imtixaanaadka.

Waxaa hadallo dhiirrigelin iyo wacyigelin isugu jira halkaasi ka jeediyay: Guddoomiyaha Xafiiska Imtixaanaadka Qaranka, Mudane Daauud Axmed Farax; Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Mudane Cabdiraxmaan Xuseen Xaaji Xirsi; Wasiiru-Dawlaha Wasaaradda, Mudane Maxamed Yuusuf Ibraahim (Faacuul).

Ugu dambayn, waxa madasha si rasmi ah u soo xidhay Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Prof. Ismaaciil Ducaale Yuusuf, oo si adag ugu dardaarmay masuuliyiinta goobaha imtixaanaadka ilaalinta xeerarka iyo anshaxa imtixaanka. Wasiirku waxa uu hoosta ka xariiqay in lagu dedaalo sidii loo sugi lahaa hufnaanta, cadaaladda, iyo jawi xasiloon oo uu ardaygu ku gali karo imtixaankiisa, isaga oo Illaahay uga baryay dhammaan ardayda inay guul ugu dhammeeyo.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker