Erdogan: ‘Israa’iil qatar ayay ku tahay amniga gobolka loomana dulqaadan doono’

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa sheegay in bariga dhexe aysan u dulqaadan karin dagaal kale, isagoo ku eedeeyay Israa’iil inay khatar ku tahay ammaanka gobolka.

Isagoo khadka taleefoonka kula xiriiray dhiggiisa Ruushka Vladimir Putin, Erdogan ayaa sheegay in “rabshadaha joogtada ah ee ka bilowday weeraradii Israa’iil ee Iran ay amniga gobolka oo dhan halis galiyeen”.

Hadal ka soo baxay madaxtooyada Turkiga ayuu ku sheegay in habdhaqanka sharci darrada ah ee xukuumadda Netanyahu uu khatar cad ku yahay nidaamka caalamiga ah, isagoo carrabka ku adkeeyay in gobolka “uusan u dulqaadan karin dagaal cusub.”

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker