𝐗𝐢𝐬𝐛𝐢𝐠𝐚 𝐊𝐔𝐋𝐌𝐈𝐘𝐄 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐮𝐮 𝐬𝐢 𝐚𝐝𝐚𝐠 𝐮 𝐜𝐚𝐦𝐛𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐧𝐚𝐲𝐚𝐚 𝐱𝐚𝐝𝐠𝐮𝐝𝐮𝐛𝐤𝐚 𝐥𝐚𝐠𝐮𝐥𝐚 𝐤𝐚𝐜𝐚𝐲𝐨 𝐒𝐚𝐱𝐚𝐟𝐢𝐲𝐢𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐂𝐚𝐛𝐮𝐝𝐡𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐗𝐨𝐫𝐫𝐢𝐲𝐚𝐭𝐮𝐥-𝐪𝐚𝐰𝐥𝐤𝐚 𝐁𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚

Xisbiga KULMIYE, isagoo ah xisbi mucaarad ah oo u taagan ilaalinta mabaadi’da dimuqraadiyadda, waxa uu si kulul u cambaareynayaa cadaadiska sii kordhaya ee lagula kacayo saxafiyiinta iyo codadka madax-bannaan ee ku hadla baraha bulshada gudaha Jamhuuriyadda Somaliland.
Sida uu caddeeyey Ururka Saxafiyiinta Somaliland (SOLJA), in ka badan 14 Wariye ayaa lagu xidhay lixdii bilood ee u dambeysay sifo aan sharciga waafaqsanayn. Waxa intaas dheer, dadka saamaynta ku leh baraha bulshada ayaa noqday bartilmaameed cusub, iyadoo tiro badan oo akoonnadooda ah la xidhay ama laga saaray baraha bulshada, taasoo lagu fuliyay isku dubbaridid kooxo taageero ka hela xukuumada Xisbiga Waddani oo si qorshaysan u cabudhiyay codadka dhaliilaha u soo jeedinaya Xukuumadda.
Cadaadiskan qorshaysan waa xad-gudub cad iyo cabudhin lagula kacayo xuquuqda dastuuriga ah ee xorriyadda hadalka iyo saxaafadda, kuwaas oo si cad uu u dammaanad qaaday Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland.
Xisbiga KULMIYE wuxuu ku baaqayaa.
1. In Si shuruud la’aan ah loo sii daayo dhammaan suxufiyiinta xidhan, gaar ahaan Wariye Cabdiqaadir Maxamed Xasan oo Xukuumadu u xidhay war aan isaga aan ka soo bixin, kaas oo uu muddo bil ku dhow sifo sharci-darro ah ugu xidhan yahay.
2. In La joojiyo cabsigelinta iyo cabudhinta dadka isticmaala baraha bulshada.
3. In la ixtiraamo, lana ilaaliyo Dastuurka Jamhuuriyada Somaliland iyo xeerarka caalamiga ah ee fasaxaya xorriyadda Warbaahinta.
Sumcadda dimuqraadiyadeed ee Somaliland looma ogolaan karo in lagu halligo falal cabudhin ah oo bulshada codkooda lagu wiiqayo. Aamusiinta codadka warbaahinta ee madax-bannaan waxay dhaawacaysaa horumarka qaranka iyo kalsoonida lagu qabo hoggaanka dalka.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker