Iran oo shuruud ku xirtay wadahadallada nukliyeerka ee Mareykanka
Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Iran ayaa sheegay in ka dib markii la baajiyay wadahadalkii nukliyeerka ee u dhaxeeyay Mareykanka iyo Iran ee loo qorsheeynayay inuu shalay dhaco, haatan Mareykanka looga baahan yahay inuu “cambaareeyo” weerarrada Israel ee Iran si wadahadaladu u sii socdaan.
Esmail Baghai ayaa mar kale wada xaajoodka ku tilmaamay kuwo aan wax “macno lahayn” marka la eego xaaladda hadda jirta, wuxuuna sheegay in Maraykanku “ku lug leeyahay” weerarrada.
Waxa uu sidoo kale sheegay in haddii baarlamaanka Iran uu go’aansado inuu ka baxo heshiiska sameynta Nukliyeerka ee NPT, ay noqon doonto “mid la taaban karo”.
Iran ayaa mar walba ku adkeysaneysa in barnaamijkeeda Nukliyeerka uu yahay mid nabadeed, taas oo Israel ay diiday.