๐๐๐๐๐ฑ๐ฐ๐๐ฒ๐ง๐ ๐ค๐ฎ-๐ฑ๐ข๐ ๐๐๐ง๐ค๐ ๐๐๐ ๐จ๐จ ๐๐๐๐ก-๐๐ฎ๐ซ๐ซ๐๐ฒ ๐๐ก๐ข๐ซ๐ค๐ ๐๐๐ซ๐๐ง ๐๐ ๐ข๐ฌ๐ค๐ฎ-๐๐ฎ๐๐๐๐ซ๐ข๐๐ค๐ ๐๐ซ๐ซ๐ข๐ฆ๐๐ก๐ ๐๐๐ซ๐ ๐๐๐ซ๐ค๐ ๐๐ข๐ง๐ขโ๐๐๐๐๐ง๐ญ๐ข๐ง๐ข๐ฆ๐๐๐๐
Madaxweynaha Somaliland, Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi, ayaa maanta Magaalada Hargeysa ka daah-furay Shirka Qaran ee isku-dubbaridka Arrimaha Gargaarka Biniโaadantinimadda, kaasi oo ay ka soo qayb galeen, dad Muxsiniin ah, Hayโaddaha Sama-falka ee dalka iyo kuwa Caalamiga ah.
Shirkan ayaa ahaa mid lagu gorfeynaayey sidii loo xoojin lahaa iskaashiga iyo isku dubbaridka hawlaha sama-falka dalkeena, iyada oo la tix-gelinaayo baahiyaha deg-dega ah ee bulshada, waxaana sida oo kale lagaga hadlay arrrimaha Barakacayaasha iyo Qaxoontiga kale duwan ee dalka ku sugan.
Madaxweyne Ku-xigeenka JSL Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi oo Khudbad ka jeediyyey Daah-furka Shirkaasi ayaa sheegay in ay ka Xukuumad ahaan diyaar u yihiin in ay gacan ka siiyaan, Muxsiniinta iyo Hayโaddaha Sama-falka dalka iyo kuwa Caalamiga ahba, si loo gaadhsiiyo adeegyada aasaasiga ah ee lagama maarmaanka u ah nolosha bulshada, gaar ahaana meelaha ay ka jiraan abaaraha, colaadaha, iyo dhibaatooyinka kale ee biniโaadantinimo.
Ugu dambeyntii Madaxweyne ku xigeenka JSL ayaa sidoo kale hoosta ka xarriiqay muhiimadda ay leedahay in la helo Qorsheyaal Qaran oo lagu taageerayo dadka nugul, iyada oo la dhiirrigelinayo wadda shaqeynta dhex marta Dawladda, Hayโadaha Sama-falka, iyo bulshada rayidka ah, waxana uu yidhi:
โQasab ayay inagu tahay in aanu ka shaqeyno arrimaha gargaarka bilaโaadamnimada, haddii ay tahay shacab iyo dawladba, waa in aanu ogaano dariskeena, Qaxoontigeena iyo dadka kasta oo dhiban ba. Arrintan yaynaan u arkin in aan markaanu doono qaban karno markaanu doonana ka seexan. arrintaasi waxay si gaar ah u saaran tahay qof kasta oo xil haya.”