Warrarkii ugu dembeeyey ee xiisadda Iran iyo Israa’iil ee saacadihii la soo dhaafay oo kooban

halkan waxaa kugu soo koobaynaa dhacdooyinkii ugu waaweynaa ee saacadahii la soo dhaafay:

  • Iiraan iyo Israa’iil ayaa is-weydaarsaday duqeymo cirka ah aroortii Sabtida, iyadoo qalabka bixiya codka digniinaha ee weerarka cirka laga maqlay Tel Aviv iyo Jerusalem, sidoo kale qaraxyo laga maqlay Tehran.
  • Ciidanka Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iiraan (IRGC) ayaa sheegay inay gantaallo ballistic ah ku rideen Israa’iil — halka milatariga Israa’iil (IDF) ay sheegeen inay qaar ka mid ah gantaalladaas soo rideen — iyadoo hoggaamiyaha sare ee Iiraan uu ballan qaaday inuu “dhirbaaxooyin culus” kaga jawaaabayo weerarradii Israa’iil ee maalintii ka horreysay.
  • Afartan qof ayaa lagu daweynayaa isbitaalada Israa’iil kaddib weerarka Iiraan, labo ka mid ahna xaaladoodu waa mid halis ah.
  • Wakiilka Iiraan ee Qaramada Midoobay ayaa sheegay in 78 qof, oo ay ku jiraan saraakiil sare oo milatari, lagu dilay duqeymaha Israa’iil, iyadoo in ka badan 320 qofna ay ku dhaawacmeen, intooda badanna ay yihiin dad shacab ah.
  • Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ku booriyay Iran inay heshiis ka gaarto barnaamijkeeda Nukliyeerka, isagoo ka digay ” weeraro Israa’iil ah oo aad uga sii xun kuwii hore.
  • Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Antonio Guterres, ayaa ugu baaqay Iiraan iyo Israa’iil inay joojiyaan “kororka xiisadda”, isagoo yiri: “Nabadda iyo diblomaasiyaddu waa inay guuleystaan.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker