Israa’iil oo sheegtay in Iran ay ka gudubtay “khadka Cas“

Wasiirka Difaaca Israel, Israel Katz, ayaa sheegay in Iran ay ka gudubtay “khadka cas” Jimcihii markii ay gantaalladeeda la beegsadeen goobo rayid ah, taasoo jawaab u ah weerarrada Israa’iil ee dhawaanahan.

“Iraan waxay ka gudubtay khadadka cas iyadoo ku dhiiratay inay gantaalo ku garaacdo xarumaha rayidka ee Israa’iil,” ayuu ku yiri bayaan uu soo saaray.

“Waan sii wadi doonnaa difaacidda muwaadiniinta Israa’iil, waxaana hubin doonnaa in taliska Ayatollah ay qiimo aad u culus ugu kacdo ficillada foosha xun,” ayuu intaas raaciyay, isaga oo ula jeeday hoggaamiyaha ruuxiga ah ee Iran, Ali Khamenei.

Horaantii, Ilaalada Kacaanka Iran ayaa sheegay in ay qaadayaan weeraro ka dhana “tobaneeyo bartilmaameed, xarumo militari iyo saldhigyo cirka ah” oo ku yaalla Israa’iil.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker