Taliyihii ciidamada cirka oo la dilay

Ciidamada Difaaca Israa’iil (IDF) iyo wakaaladda wararka rasmiga ah ee Iiraan, IRNA, ayaa si rasmi ah u xaqiijiyey in taliyihii ciidamada cirka ee Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iiraan (IRGC) la dilay.

Sarreeye Guuto (Brig-Gen) Amir Ali Hajizadeh ayaa loo magacaabay taliyaha Ciidamada Hawada ee IRGC bishii Oktoobar 2009-kii, iyadoo uu magacaabay Hoggaamiyaha Sare ee Iiraan, Ayatollah Ali Khamenei.

Hajizadeh wuxuu ku dhashay magaalada Tehran sanadkii 1962, wuxuuna ku biiray IRGC sanadkii 1980, waxyar kadib markii uu billowday dagaalkii Iiraan iyo Ciraaq (1980–1988). Wuxuu ka shaqaynayey howlgallo badan isagoo ahaa shiishyahan.

Markii uu dagaalku dhammaaday, wuxuu ku biiray Ciidamada Cirka ee IRGC wuxuuna bilaabay shaqo la xiriirta barnaamijka gantaallada ee IRGC.

Sanadkii 2006, waxaa loo magacaabay taliyaha difaaca cirka ee IRGC.

Hajizadeh waxaa cunaqabateyn saaray Waaxda Maaliyadda Mareykanka sanadkii 2019, kadib markii Iiraan ay soo ridday diyaaraddii sahanka ee Mareykanka ee ku sugneyd meel u dhow marin-biyoodka Hormuz.

Bishii Janaayo 2020-kii, kadib markii IRGC ay si qalad ah u ridday diyaarad rakaab ahayd oo laga leeyahay Ukraine meel u dhow Tehran, taasoo dishay dhammaan 176 qof ee saarnaa, Hajizadeh wuxuu dhacdadaas ku tilmaamay shil, wuxuuna qaatay mas’uuliyadda oo dhan, isagoo sheegay inuu aqbalayo ciqaab kasta oo ay mas’uuliyiinta Iiraan go’aamiyaan.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker