Ninkii ka badbaaday shilka diyaaradda oo xog dheeraad ah laga helay
Muwaadin u dhashay dalka Ingiriiska oo keliya ayaa ka badbaaday shilkii diyaaradeed ee ay saarnaayeen 241 qof..
Waxaan haatan la hadalnay ehelka Vishwash Kumar Ramesh, Ajay Valgi, oo ku sugan magaalada Leicester.
Wuxuu sheegay in Vishwash uu qoyska horey u wacay, isla markaana uu u sheegay inuu “wanaagsanyahay”.
Vishwash wuxuu sheegay inuusan garanayn halka uu ku sugan yahay walaalkiis Ajay, oo isna saarnaa diyaaradda.
Ehelkooda ayaa isugu yimid guriga qoyska ee Leicester si ay u muujiyaan taageero iyo baroor-diiq. Waxay sugayaan xog dheeraad ah.
Vishwash wuxuu leeyahay xaas iyo ilmo. ayaa fahamsan in Vishwash uu ku dhashay Hindiya, balse uu sanado badan ku noolaa UK.