Dolwadda UK oo ka hadashay shilkii diyaaradeed ee ay ku dhinteen dad u dhashay dalkeeda
Hay’adda Baarista Shilalka Diyaaradaha ee UK (AAIB) ayaa sheegtay inay si rasmi ah ula xirriirtay Hay’adda Baadhista Shilalka Diyaaradaha ee Hindiya.
Waxay sidoo kale sheegtay in AAIB-da UK ay samayn doonto baaritaanno, maadaama muwaadiniin reer UK ah ay saarnaayeen diyaaradda.
“Waxaan u direynaa khuburo Hindiya si ay gacan uga gaystaan baaritaanka ay hoggaaminayaan mas’uuliyiinta Hindiya. Waxaan dareenka murugada leh la qaybsanaynaa dhammaan dadka uu shilkan saameeyay.”