Faransiiska oo doonaya in la aqoonsado dowladda Falastiin
12-ka qof ee saarnaa doonta Madleen ee saaka Israaโiil ka qabsatay biyaha badda Mediterranean-ka waxaa ku jirtaย Rima Hassanย oo ah xildhibaanad Faransiiska ku matasha Baarlamaanka Yurub.
Faransiiska ayaa ka mid ah dalalka hormuudka ka ah baaqyada aqoonsiga loogu raadinayo dowlad ay yeelato Falastiin. Wuxuuna wax ka guddoomin doonaa shir looga hadlayo qaddiyadda Falastiin oo bishan dabayaaqadeeda ka dhacaya xarunta Qaramada Midoobey ee New York.
Shirkan oo ay wada guddoominayaan dalalka Faransiiska iyo Sacuudiga ayaa waxaa looga golleeyahay in lagu baadi goobo xalka labo dowladood oo ay yeeshaan Falastiin iyo Israaโiil. Hindisahaas oo Israaโiil ay si adag u diiddan tahay.
โWaa in aan hadalka ficil ku darnaa. Waana in aan qaadnaa tillaabooyin degdeg ah oo lagu soo afjarayo dagaalka Qasa iyo colaadda guud ee u dhexeysa,โ ayey tiri Anne-Claire Legendre oo ah la taliyaha Madaxweyne Emmanuel Macron ee Bariga Dhexe iyo Waqooyiga Afrika.
Macron ayaa dhawaan Qaramada Midoobey u sheegay in โdaruufaha ka jira Qasa ay qasbayaan in la soo nooleeyo rajada dowlad Falastiin ay yeelatoโ