Puntland oo sii deeysay 26 Kalluumaysato u dhashay dalka Yemen
Ilo deegaanka ah ayaa sheegay in maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland ay xabsiga kasii daayeen 26 kaluumaysato u dhashay dalka Yemen kuwaasi oo si sharci darro uga kalluumaysanayay xeebaha Puntland sida ay qortay wakaalada Al mashhad Al Yemeni.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in kalluumaysatada la sii daayay kadib markii ninkii lahaa doonida ay la socdeen uu bixiyay ganaax lacageed oo dhan 44,000$.
Ciidamada ilaalada xeebaha Puntland ayaa qabtay kalluumeysatada bartamihii bishii May, xilli ay ku sugnaayeen deegaanka Raas Casir oo ay saarnaayeen dooni lagu magacaabo โMaymoon 1โ.
Wasaaradda kalluumeysiga iyo kheyraadka badda Puntland ayaa sheegtay in doonidaasi ay ku kalluumeysaneysay habka loo yaqaano โHawiโ oo si rasmi ah looga mamnuucay xeebaha degaanada Puntland.
Waxay intaas ku dartay in markabka uusan lahayn wakiil rasmi ah oo ka diiwaangashan wasaaradda, taasoo ay u aragtay xadgudub hor leh oo ka dhan ah shuruucda maxalliga ah ee nidaamisa howlaha kalluumeysiga.