Xilli loo dabaaldagayo ciidda ayaa waxaa wali Qaza ka socda Duqeymo
Tobaneeyo Falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay laguna dhaawacay Marinka Gaza tan iyo xalay ilaa saaka, iyadoo ay ku beegan tahay maalinta labaad ee Ciidul Adxaa.
Duqeymo isdaba joog ah oo dhanka cirka iyo madaafiicda oo ay israa’iil ku garaacday goobo kala duwan ayaa waxaa ku dhintay ugu yaraan 13 qof in ka badan 40 kalena waa ay ku dhaawacmeen subaxnimadii hore ee saaka.
Duqeymaha ayaa lagu garaacay teendhooyin dad barakacayaal ah ay ku jireen oo ku yaala galbeedka Khan Yuunis, ee koonfurta marinka Gaza. Dadka la dilay ayaa waxaa ka mid ah Aabe, Hooyo iyo labo caruur ah oo ay dhaleen.