Ruushka oo weerarkii ugu xoogganaa ku qaaday Ukraine
Ugu yaraan saddex qof ayaa ku dhintay 21 kalena waa ay ku dhaawacmeen – oo uu ku jiro ilmo bil jira – weerarkii ugu weynaa ee diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Ruushku ku qaadeen magaalada labaad ee ugu weyn Ukraine ee Kharkiv, sida uu sheegay duqa magaaladaasi.
Ihor Terekhov ayaa sheegay in dhismayaal badan oo ah kuwa deegaanka la duqeeyay ka dib markii Ruushku uu magaalada ku soo riday ku dhawaad 50 diyaaradood oo aan duuliye lahayn.
Dhanka kale, laba qof ayaa lagu dilay Kherson ka dib markii ay weerarro ku qaadeen dhismayaal la deggan yahay, sida uu sheegay sarkaal gobolka ka tirsan.