Dad tiradoodu gaadhayso 10 qof oo laga soo mastaafuriyey dalka Mareykanka oo lagu hayo Dalka Jabuuti ayaa dood ka dhex abuuray Mareykanka.

Garsoore Brian Murphy, oo ah kii horey u xukumay arrintan, ayaa Isniintii ku gacan seydhay codsi ka yimid maamulka Trump oo doonayay in la dib u eego ama la hakiyo goโ€™aan hore oo maxkamaddu gaartay. Goโ€™aankaas hore wuxuu u oggolaanayay muhaajiriintaas in loogu qabto habraac sharciyeed inta lagu hayo saldhigga Jabuuti.

Garsooruhu wuxuu xusay in goโ€™aankaas hore uu la sameeyay iskaashi uu la yeeshay qareennada Wasaaradda Caddaaladda Mareykanka, taasoo la micno ah in maamulka uu horey u oggolaaday nidaamka, haddana uu isku dayayo inuu ka laabto ama hakiyo fulintiisa, taasoo uu garsooruhu si cad u diiday.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker