Trump oo Putin ku tilmaamay nin waalan ka dib weerar uu Ruushku ku qaadeen Ukraine

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in uusan ku faraxsanayn dhigiisa Ruushka Vladimir Putin, kadib weerarkii ugu weynaa ee dhanka hawada ee Moscow ku qaaday Ukraine.

Canaan naadir ah ayuu Trump ku yiri: “Maxaa helay? Dad badan buu dilayaa.” Markii dambe waxa uu Putin ku tilmaamay “Gabi ahaanba nin waalan”.

Afhayeenka Kremlin-ka Dmitry Peskov ayaa sheegay in tani ay tahay “waqti aad muhiim u ah oo ku xiran culeyska dareen ee qof walba oo ku lug leh” laakiin wuxuu intaa ku daray in Putin uu qaadanayay go’aamo “lagama maarmaan u ah amniga” Ruushka.

Intii u dhaxaysay fiidnimadii Axadda iyo subaxnimadii Isniinta, Ruushku waxa uu 355 diyaaradood oo aan duuliye lahayn ah iyo sagaal gantaal oo nooca loo yaqaan Cruise uu ku garaacay Ukraine, sida ay sheegeen ciidammada cirka ee Kyiv.

Waxa uu ahaa weerarkii ugu weynaa ee diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee lagu qaado Ukraine tan iyo markii duulaanka buuxa ee Ruushka uu bilowday bishii Febraayo sanadkii 2022, ciidamada cirka ee Ukraine ayaa sidaas sheegay.

Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky ayaa sheegay in “kaliya isla xisaabtan la’aanta” ay u ogolaan karto Ruushka “inuu fuliyo weeraradan oo kale oo uu sii wado kordhinta culeyskooda”.

Mar sii horreeysay, Kyiv waxa ay sheegtay in “Aamusnaanta” Washington ee weerarradii ugu dambeeyay ee Ruushka ay dhiirigelinayso Puti, wuxuuna ku boorriyay “cadaadis xooggan”, oo ay ku jiraan cunaqabatayn adag, oo la saaro Moscow.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker