Maraylkanka : Kumanaan qof oo ka qeybgalay xuska sanadguuradii shanaad ee dhimashada George Floyd
Guud ahaan meela kala dwuan oo Maraykanka ah, dadka Mareykanka ah ayaa xusay sandguradii shanaad eedhimashadii George Floyd kaas oo ay dileen booliisku, iyadoo kulamo gaar ah lagu qabtay magaaladii uu ku koray iyo tii uu ku dhintay.
Dilka Floyd, oo ahaa nin madow ah, oo uu gaystay sarkaal ka tirsan Booliiska Minneapolis, Derek Chauvin, ayaa horseeday mudaaharaadyo ka dhacay waddanka oo dhan oo looga soo horjeedo midab-takoorka iyo naxariis-darrada booliiska.
Maalintii Axadda, qoyska Floyd ayaa isugu soo baxay magaaladii ay ku noolaayeen ee Houston oo u dhow qabriga Floyd si ay uga qaybqaataan munaasabad uu hoggaaminayey Baadari Al Sharpton, halka Minneapolis ay dhowr munaasabadee oo xus ah lagu qabtay.
Waxa dad badani ay ku amaaneen “xisaabtan” qaran oo cunsuriyad ah dhimashadii Floyd ka dib, in kastoo, ay u muuqato inay sii yaraanayso iyadoo madaxweyne Donald Trump uu bilaabay inuu dib u habeyn ku sameeyo booliska Minneapolis iyo magaalooyinka kale.
Wakaaladda wararka ee Associated Press ayaa sheegtay in kumanaan qof, oo ay ku jiraan booliiska iyo dadka u dhaqdhaqaaqa xuquuqda madaniga, ay isugu soo baxeen axadii sanadguurada.
Magaalada Minneapolis, munaasabada kaniisadda gelinak hore iyo bandhig faneedyada fiidkii ayaa qayb ka ahaa munaasabadaha lagu xusayo dhacdooyinka 25-ka Maarso 2020dhimashadii George Floyd