Daawo:Soomaali loo Tababaray Caawinta Dadka Xanuunsan iyo Maxaabiista
Tababar muddo sanad ah u socday Arday Soomaali u badan oo isugu jira qaybaha kala duwan ee bulshada, Tiradooduna ahayd ilaa 21 arday, ayaa xalay lagu soo gabagabeeyay magaalada Minneapolis ee gobalka Minnesota ee dalka Mareykanka.
Ardaydan waxaa la baray sidii ay gacan u siin lahaayeen dadka xanuunsanaya ee ku jira isbitaallada, kuwa ku jira xabsiyada, iyo dadka ay masiibooyinku saameeyeen.
Shiikh Cabdiraxmaan Shariif oo ka mid ah dadkii bixinayay tababarkan, isla markaana ah qofka kali ah ee Muslim ah ee gobalka Minnesota shaqadan ka qabta, ayaa VOA u sheegay in ardaydan qalin jebisay ay wax badan ka caawin doonaan bulshada adeegooda u baahan, gaar ahaan Muslimiinta isbitaallada ku jira ee gargaarka u baahan xilliyada ay marayaan marxaladaha adag.
Waraysigaas oo dhamaystiran Halkan hoose ka daawo.
https://youtu.be/ldwzyEz0aB8