Ciidanka Booliska Gobolka Awdal Oo Xabsiga U Taxaabay 50 Dhalinyaro
Ciidanka Booliska Somaliland ayaa qoray qoraalkan halkan hoose ka akhriso:-
Ciidanka Booliska Gobolka Awdal waxay xabsiga u taxabeen ku dhawaad kontan dhalinyaro(50) ah kuwaas oo la soo baxay calanka Somalia.
Dhalinyaradan ayaa qaarkood ku labisnayeen calanka halka kuwa kalana muqaalo iyo sawiro ay ku galayeen meel ka baxsan magaalada.
Dhalinyaradan ayaa hada ku kala xidhan xabsiyada dalka waxaana la hor gayn donaa maxkamada iyo xeer ilaalinta si ay uga gutaan waajibaadkoga.
Sida warar xogogaal ku helayaan laamaha amaanku waxa dhalinyaradan dabada ka hagaaya cid dano gaara leh, cidaas hagaysana waanu ku raad joognaa degdagna waa loo soo qaban Insha Allh.
Xafiiska Warbaahinta
Ciidanka Booliska JSL