Nuxurka Kulan Dhex Maray Madaxweynaha Somaliland Iyo Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen
Dr. Jamaal Cali Xuseen oo ka mid ah siyaasiyiinta aqoonyahan ka ah ee Somaliland, ayaa ka hadlay kulan uu maanta la qaatay Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Cirro, waxaanu yidhi;
“Jumca mubaarak!! Waxaan booqasho iyo salaan (courtesy visit) ugu tegay hoygiisa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillahi (Cirro). Kulankaasi waxaa soo agaasimay Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Somaliland mudane Cabdalle Maxamed Carab (Sandheere). Madaxweynaha waxaa iskugu kaaya danbeysay bishii August 22 keedii, 2023 maalin Salaasa ah oo uu isagu sidan oo kale salaan iyo booqasho iigu yimid gurigayga ku yaalla magaaladda Hargeysa. Intii ka danbeysay anigu dalka waa ka maqnaa oo hawlo ii gaara ayaan ku mashquulsanaa, intii doorashadda ka danbeysay oo aan dalka dib ugu soo noqdayna waa la kala mashquulay oo weliba intii ugu danbeysay cimradda ayaan ku maqnaa. Kaftan iyo soo dhaweyn ka dib arrimo khuseeya qarankeena gaar ahaan xagga dibadda ayaanu iska waraysanay. Madaxweynaha oo si gobanimo iyo xushmad leh ii soo dhaweeyey Ilaahay xilka ha ku asturo, dalkeenana Ilaaha ha barwaaqeeyo, wa bilaahi tawfiiq iyo Jumca mubaarak.”