Wasiirka arimaha Dibada Somaliya oo la Weeraray
Ciidamo la sheegay in ay ka tirsan yihiin maamulka magaalada Gaalkacyo ayaa caawa “weeraray” guri uu ku sugnaa wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, Cabdisaciid Muuse Cali. Hoyga waxaa dagan nabadoon Yaasiin Cabdisamad.
Warbixintu waxay intaas ku daraysaa in uu jiro khasaaro dhaawac u badan oo ka dhashay falka. Lama ogga sababta dhabta ah ee ciidamadda u beegsadeen hoyga. Mas’uuliyiinta maxaliga ah wali fahfaahin rasmi ah kama aysan bixin dhacdadan.