Hooyo Doonaysay In Ay Iibiso Wiil ay Dhashay 12 Maal Mood Ka Hor Oo lagu xidhay magaalada mombasa.

 

Hooyo isku dayday in ay ka iibiso Wiil yar oo ay dhashay ayaa muwdiniin u dhalatay wadanka shiinaha ayaa lagu xidhay isbitaal ka magaalada mombasa ee gobolka xeebta kenya.

Saraakiil ka socotay waaxda danbi baadhista ayaa gacanta ku dhigay Josephine Kariuki Muthoni 27 jir ah iyo laba muwaadin oo u dhalatay shiinaha iyo mid kale oo dhalasha ahaan ka soo jeeda wadanka Singapor.

Dhamaan shaqsiyaadkan ayaa waaxda danbi baadhista kenya ku eedeyeen ka ganacsiga caruurta.

Haweenedan ayaa Wiilka dhashay 18 bishan July waxaana ay shaqaalaha isbitaalka ku amartay in Wiilkeeda lagu wareejiyo muwaadiniintan u dhashay shiinaha ee lagu kala magacaabo Mahesh Chudasama iyo Neo Kian Fu.

Saraakiisha waaxda danbi baadhista oo haweeneydan ugu tagay waaxda hooyada iyo dhalaanka ayaa waxay ka qoreen dacwad si baadhitaano loogu sameeyo arimaha lagu soo eedeya, sida uu sheegay agaasimaha waaxda danbi baadhista mr George Kinoti.

Balse haweeneydaan ayaa ku dooday in ay Wiilkeeda ay kula heshiisay muwaadiniinta shiinaha in ay ka iibsadaan iyadoo la siinayo bil waliba lacag dhan 28,000 oo u dhiganta 380 dolar-ka mareykanka,ilaa iyo marka ugu danbeysa oo ay qaadan doonto shan boqol oo kun oo ah marka la dhameystirayo ruqsada ogolaanshiyaha caruurta la kala wareejistay.

Saraakiisha danbi baadhista ayaa tibaaxay in ay la kulmeen qareeno watay warqado copy-ah oo cadeynaya heshiiska ay labada dhinac gaadheen.

Xadhigan ayaa imaanaya iyadoo caalamka looga dabaal dagayo maalinta ka hortaga ka ganacsiga caruurta oo lagu qabtay dhismaha hey,ada qaramada midoobay ee magalada nairobi.

Agaasimaha dhanka danbi baaadhista kenya mr George Kinoti ayaa balan qaaday qudbad uu ka jeediyay xaflada ka dhacday dhismaha xarunta qaramada midoobay ee nairobi in uu kala shaqeyn doono wadamada bariga afrika sidii looga hortagi lahaa ka ganacsiga caruurta.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker