Askari Israaiil ah oo Toogtay Muwaadin u Dashay Falastiin

Sida ay xaqiijisay wasaaradda caafimaadka Falastiin Askari Israaiil ah ayaa waxaa uu tugasho ku dilay muwaadin Falastiin ah kaaas oo aan waxbo galabsan, dilkan ayaa yimid kadib markii sida la sheegay marxuunka iyo seddex nin oo kale oo lasocday ay la murmeen Askarta yahuuda kuwaas oo doonayay in ay ka qaataan matoor nuuca korontada dhaliyo oo heysteen.

Ninka la dilay ayaa lagu Magacaabaa Ahed Khalil waana 25 jir, Muuqaalo laga duubay goobta ayaa muujiyay meydkiisa oo goobta sida lagu faafiyay baraha Internet-ka.

Ciidamada Israel ayaa si joogto ah u daad gureeya una dumiya guryaha Falastiiniyiinta ee ku yaala dhulalka Falastiin ee la dhisay iyadoo aan ogolaansho laga haysan maamulka Israel.

https://www.youtube.com/watch?v=CZNLODvaB9o

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker