Trump oo u hanjabay kooxda Xamaas hadii ay siideyn weydo lahaystayaasha

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa Arbacadii hanjabaad toos ah u jeediyay kooxda Xamaas ee Qasa, isagoo qoraal soo dhigay bartiisa, Truth Social.

Waxaa uu Trump Xamaas ka dalbaday inay si degdeg ah u siideyso dhamaan la haystayaasha, isla markaana la soo celiyo meydka dadkii la dilay.

Trump ayaa dhanka kale ka digay โ€œcawaaqib xumo dhab ahโ€, hadii ay kooxda Xmaas sii deyn weydo dadka la heysto.

Madaxweynaha Mareykanka waxaa uu ku adkeystay inuu Israaโ€™iil ka taageeri doono Israaโ€™iil wax kasta oo ay u baahantahay โ€œsi howsha loo dhameeyoโ€.

Ma aha markii ugu horreysay oo Trump uu u hanjabo Xamaas.

Ra’iisul wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, ayaa sheegay inay ka go’an tahay inay guul ka gaaraan Xamaas ee Gaza.

Arrintan ayaa timid ka dib markii Israaโ€™iil iyo Washington ay diideen hindise ay Masar hormuudka ka tahay oo ku aaddan mustaqbalka Gaza, iyagoo sheegay in ay ku guuldareysteen in ay wax ka qabtaan xaqiiqada ka jirta dhulkaas. Isagoo ka hadlayay markii uu xafiiska la wareegay abaanduulaha ciidamaad qalabka side ee Israa’iiil , Mr Netanyahu ayaa sheegay in Israaโ€™iil ay tahay inay si buuxda u gaarto ujeeddooyinkeeda.

Taliyaha cusub ee militariga Israa’iil , General Eyal Zamir, ayaa sheegay in sanadka 2025 uu noqon doono sanad dagaal. W

axaa uu xusay in inkastoo ciidamada difaaca ay guulo badan soo hooyeen, haddana howshooda aysan wali fari ka qodnayn.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker