Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland oo Fariin u Diray Bulshada
Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland waxa ay ogeysiineysaa shacabka Jamhuuriyadda Somaliland in baadhitaanka bisha barakaysan ee Ramadaan la bilaabi doono galabnimada Jimcaha ee maanta, Sidaas darteed waxa aanu shacabka ugu baaqaynaa in ay ka qayb qaataan baadhitaanka bisha Ramadaan oo aanay ka hor dhicin Go?aanka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta JSL.
Qofkii arka Bisha Ramadaan wuxuu lasoo xidhiidhi karaa Xarunta Guud ee Wasaaradda, Xafiisyada Gobollada, ama Saldhigga Booliska ugu dhow si loo xaqiijiyo Dhammaan shacabka Somaliland, waxa aanu idinka mahadnaqaynaa sida wanaagsan ee aad Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland ula shaqaysaan.
Lambarada Lala Soo Xidhiidhayo Qofka Arka Bisha Ramadan .
? Telesom: 0634316042
? Somtel: 065-9513676
? Telesom: 063-4249220
? Somtel: 065-4473103
? Telesom: 063-4429416
? Telesom: 063-4226084
ALLA MAHAD LEH