Turkiga: Amniga Soomaaliya waa la xallin karaa haddii la helo taageero caalami ah oo joogto ah
Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Tรผrkiye, Hakan Fidan, ayaa bogaadiyay heshiiska nabadeed ee u dhexeeya dowladaha Itoobiya iyo Soomaaliya, isaga oo ku tilmaamay tallaabo muhiim ah oo loo qaaday xasilloonida gobolka.
Hakan Fidan oo la hadlayay warbaahinta Bloomberg ee laga leeyahay dalka Maraykanka, waxa uu sidoo kale carrabka ku adkeeyay xiriirka Tรผrkiga iyo Midowga Afrika.
Fidan waxa uu xaqiijiyay sida Tรผrkiga ay uga goโan tahay ammaanka Soomaaliya, gaar ahaan dagaalka ay kula jirto Al-Shabaab.
โWaxaan si dhow ula shaqaynaynaa dowladda Soomaaliya si aan ula dagaallano kooxaha xagjirka ah sida Al-Shabaab,โ ayuu yiri, isaga oo muujiyay rajo ah in arrimaha amniga Soomaaliya la xallin karo waqti ka dib haddii la helo taageero caalami ah oo joogto ah.
Heshiiska nabadeed oo ay wada saxiixdeen Soomaaliya iyo Itoobiya, ayuu Fidan ku tilmaamay tusaale ay dalalka Afrika uga faaโiidaysan karaan xalinta arrimahooda.
โHeshiiska nabadeed ee Soomaaliya iyo Itoobiya waa guul, waana tusaale muujinaya sida dalalka Afrika ay masโuul uga noqon karaan arrimahooda,โ ayuu yiri Hakan Fidan.
Si kastaba ha ahaatee, Soomaaliya iyo Ethiopia ayaa weli ku jira dhameystirka baaqii kasoo baxay Ankara, iyagoo haatan labada dal ay dib usoo celiyeen xiriirkoodii diblumaasiyeed.