Puntland oo sheegtay in dhulka Daacish ay haatan ku dagaalami karaan uu yahay 15km kaliya
Wasiirka Warfaafinta Puntland, Maxamuud Caydiid Dirir, ayaa sheegay in kooxda Daacish ay hadda ku hareen dhul dhan 40km oo kaliya, iyadoo ciidamada Puntland ay sii ballaarinayaan howlgalka ay ka wadaan goobihii lagu dagaalamay ee Calmiskaad.
Maxamuud Caydiid wuxuu ballanqaaday in dagaalka lagula jiro Daacish la soo afjari doono waqti kooban gudaheed, isagoo xusay in ciidamada Puntland ay durba guulo la taaban karo ka gaareen dagaalka.
Dhanka kale, Wasiirka Warfaafinta Puntland wuxuu eedeyn u jeediyay dowladda Federaalka Soomaaliya, isaga oo ku dhaliilay in hubkii loogu deeqay si loogu dagaalamo Daacish ay ku kaydsatay Muqdisho, halkii la geyn lahaa goobaha dagaalku ka socdo.
Wuxuu sidoo kale sheegay in dowladda ay gabtay doorkeedii ay ku gaarsiin lahayd hub iyo rasaas meelaha lagula dagaalamayo kooxaha argagixisada, wuxuu nasiib darro ku tilmaamay in Muqdisho lagu soo koobay hantida iyo kheyraadka shacabka Soomaaliyeed.