Shiinaha, Canada iyo Mexico oo wacad ku maray inay ka jawaabi doonaan canshuur kordhinta Trump
Canada, Mexico iyo Shiinaha ayaa wacad ku maray inay ka jawaabayaa canshuur kordhinta cusub ee baaxadda leh ee lagu soo rogay alaabaha ay u dhoofiyaan Mareykanka sida uu ku dhawaaqay Madaxweyne Donald Trump.
Trump ayaa sheegay in canshuur dheeraad ah oo dhan 25% lagu soo rogayo badeecooyinka ka yimaada Canada iyo Mexico iyo sidoo kale 10% oo lagu soo rogayo alaabaha Shiinaha taasoo dhaqan-galeysa maalinta Talaadada.
Madaxweynaha Mareykanka ayaa sheegay in tallaabadan looga jawaabayo walaaca ku aaddan muhaajiriinta sharci-darrada ah iyo safrinta daroogada.
Iyagoo taas ka falcelinaya, Canada iyo Mexico ayaa labadaba sheegay inay ka fekerayaan canshuur kordhin taa la mid ah oo la saarayo badeecooyinka Mareykanka, halka Shiinuhu uu intaa raaciyay inuu qaadayo tallaabo uu ku difaacayo xuquuqdiisa iyo danihiisa.