Duqayn culus oo loo gaystay Daacishta Somaliya
Diyaaradaha dagaalka Mareykanka ayaa weerar culus ku qaaday saldhigyada iyo fariisimaha ay maleeshiyada Daacish ku leeyihiin Gobolka Bari.
Diyaaradahan ayaa gelinkii dambe ee Sabtidii bilaabay inay xagga hawada ka garaacaan Daacishta Somaliya oo u badan dagaal-yahano shisheeye.
Duqaynta ayaa illaa xalay ka socotay dhulka buuraha ee dhaca Buuraleyda Calmiskaad, halkaas oo maleeshiyada Daacish ay ku uruursan yihiin.
Wararka ayaa sheegaya in diyaaradaha dagaalka Mareykanka ay garaaceen ku dhawaad toban goobood, oo la ogyahay in ay ku sugan yihiin amaba ay degan yihiin maleeshiyadaasi.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in deegaanada buuraleyda aagga bari ee la garaacay ay ka mid yihiin Buqo, Sixno, Daanyo, Raqraq, Wangable, Dhasaan, Haraanyo iyo Miraale. Deegaanadan oo dhaca dhulka buuraleyda ee gobolka ayaa hoostaga Degmooyinka Iskushuban iyo Balidhidin.
Dadka deegaanka ayaa sheegay in duqaynta ay ahayd mid ay saacado u dhaxeeyaan, hadafkana uu u muuqday bartilmaameedyada Daacish, iyadoona marba goob la duqaynayay.
Taliyaha Ciidanka Daraawiishta Puntland, General Aadan Cabdi Xaashi ayaa sheegay in la garaacay goobo ay ku sugan yihiin Saraakiisha Daacish iyo maleeshiyadooda. Taliyaha ayaa tilmaamay in duqaynta ay gaysteen dalalka Mareykanka iyo Emirate-ka Carabta.
Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa qoraal uu ku daabacay barraha bulshada ku sheegay in uu amar ku bixiyay in weerarkan la qaado, iyadoo la beegsanayo Saraakiil ka tirsan Daacish, oo aanu magacyadoodu sheegin.
Madaxtooyada Puntland ayaa u mahadcelisay saaxiibada caalamiga ah ee ka taageeraya la dagaalanka maleeshiyada Daacish. Warsaxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada Puntland ayaa si gaar ah loogu mahaceliyay Dowladaha Mareykanka iyo Emirate-ka Carabta.
Warsaxaafadeedka ayaa lagu sheegay in duqayntan ugu dambeysay lagu dilay xubno sarsare oo ka tirsan Ururka ISIS ama Daacish.
Ma cadda khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay duqayntan, waxaana aad u adag in macluumaad sax ah laga helo inta uu khasaaruhu gaarsiisan yahay iyo weliba cidda lagu khaarijiyay.
Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in la bartilmaameedsaday martida Cabdiqaadir Muumin Cali, Hoggaamiyaha Daacishta Somaliya.
Duqayntan ayaa lagu sheegay tii ugu weyneyd ee lagu qaado Daacishta Somaliya, ku dhawaad muddo toban sano ah oo ay ka dagaalamayeen Puntland.
Ciidanka Puntland ayaa bishii labaad wada guluf ballaaran oo ka dhan ah maleeshiyadaasi, waxaana uu Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni uu wacad ku maray in ay xididada u siibi doonaan Daacish.
Gobolka Bari ayaa ah gobolka keliya ee dalka ee ay ka hawlgalaan maleeshiyada Daacish, iyadoona bishii October ee sanadkii 2015 lagaga dhawaaqay Buuraleyda Galgala. Daacish ayaana muddo sanado gudahood ah isugu fidisay Buuraha Silsiladda Golis.