Coca-Cola oo cabitaanno ka mamnuucday wadamada Yurub

Shirkadda cabitaannada sameysa ee Coca-Cola ayaa cabitaanadeeda qaar ka joojisay wadamada ku yaala guud ahaan Yurub, sababo la xiriira in cabitaannadaas ay ku badanyihiin kiimikada chlorate.

Qoraal ay shirkaddu soo saartay ayaa lagu sheegay in xannibaadda si gaar ah diiradda loogu saaray wadamada Belgium, Luxembourg iyo Netherlands.

Badeecadaha uu amarkan saameyn doono waxaa kamid ah cabitaannada sida Fanta, Sprite, Tropico iyo cabitaannada Minute Maid, sida laga soo xigtay shirkadda Coca-Cola qeybteeda Belgiumka.

Kiimikada Chlorate ayaa waxaa loo isticmaalaa ama lagu daraa cabitaannada iyo cuntooyinka kala duwan.

Ha yeeshe Coca-Cola waxay sheegtay in uusan jirin wax cabasho ah oo ugu yimid macaamiishooda ku nool UK, isla markaana ay mas’uuliyiinta ku wargeliyeen arrintan ayna ka sii wada shaqeyn doonaan.

Waxay shirkaddiu intaas ku dartay in arrintan ay saameysay “cabitaannada qaar oo durbaba la dhoofiyay” ee Appletiser, Coca-Cola Original Taste, Coca-Cola Zero Sugar, Diet Coke and Sprite Zero .

Hadii maadada la sheegay in lagu diray cabitaannadan ee chlorate u uku bato jirka, waxaa uu sababi keeni karaa dhibaatooyin caafimaad sida cudurka thyroid, gaar ahaan carruurta iyo dhalaanka.

Saameynta ay kiimikada Chlorate-ku ku yeelan karto bini’aadamka marka ay si xad dhaaf ah u adeegsadaan waxa ka mid ah lallabbo, matag, shuban, iyo inay xaddiddo awoodda dhiiggu u leeyahay inuu helo neefa Ogsajiinta.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker