Kuuriya Koonfureed oo mar kale xilka laga qaaday madaxweynihii ku meel gaadhka ahaa
Kuuriyada Koonfureed ayaa u codeysay in xilka laga qaado madaxweyne ku meelgaadhka ahaa ee dalkaas Han Duck-soo, laba toddobaad kaddib markii baarlamaanka uu xilka ka qaaday madaxweynihii hore Yoon Suk Yeol.
Guud ahaan 192 xildhibaan ayaa u codeeyay xil-ka-qaadistiisa, taas oo ka badan 151 cod oo loo baahnaa si ay u dhaqan gasho.
Ra’iisul Wasaare Han ayaa xilka qabtay markii Madaxweyne Yoon xilka laga qaaday kaddib markii uu isku dayay inuu ku soo rogo xukun degdeg ah oo millateri dalkaas 3-dii Diseembar.
Han ayaa laga filayay inuu waddanka ka saaro qalalaasaha siyaasadeed, balse xildhibaannada mucaaradka ayaa ku dooday in uu diidayo dalabaadka ah in la dhammeystiro nidaamka xilka qaadista ee Yoon.
Waxaa baarlamaanka ka dhacay xaalad jahwareer ah markii codbixinta la qabtay Jimcihii.
Xildhibaanada ka tirsan xisbiga talada haya ee People Power Party (PPP) ee ay hoggaamiyaan Yoon iyo Han ayaa si weyn u diiddanaa markii afhayeenka Golaha Qaranka, Woo Won-shik, uu ku dhawaaqay in kaliya 151 cod loo baahan yahay si hindisaha xilka qaadista uu u dhaqan galo.