Askari Kuuriyaana oo dagaalka Ukraine lagu qabtay
Ciidamada Ukraine ayaa gacanta ku dhigay askari dhaawac ah oo u dhashay Waqooyiga Kuuriya, kaas oo loo diray inuu taageero dagaalka Ruushka, sida ay Jimcihii xaqiijisay hay’adda sirdoonka Kuuriyada Koonfureed.
Askarigan ayaa la rumeysan yahay inuu yahay maxbuuskii ugu horreeyay ee Waqooyiga Kuuriya oo la qabto tan iyo bishii Diseembar, markii Pyongyang ay ciidamo u dirtay inay taageeraan dagaalka Ruushka ee Ukraine.
Xaqiijinta ayaa timid kadib markii sawir muujinaya askariga dhaawacmay uu ku faafay baraha Telegram.
Sida ay Kyiv iyo Seoul sheegeen, Waqooyiga Kuuriya ayaa diray in ka badan 10,000 oo askari si ay uga caawiyaan Ruushka, inkastoo Moscow iyo Pyongyang aysan toos u xaqiijin ama u diidin jiritaanka askartan.